FADHIGA 1AAD: Kiiska Luul oo nolosha lagu gubay oo la guda-galay.

FADHIGA 1AAD: Kiiska Luul oo nolosha lagu gubay oo la guda-galay.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Maxkamada gobolka Banaadir maanta oo Arbaca ah waxa ay u fadhiisatay kiiska dacwad la xiriira  nin xaaskiisa ku gubay degmada Dharkanlay ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo lagu magacaabo Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa ku eedeysan inuu si arxan darro ah u gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis

Dhageysiga maxkamadda ayaa waxaa si toos ah loogala socday warbaahinta, maadaama uu kiiskan yahay mid xasaasi ah oo xanuun badan ku reebay dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa Maxkamdda la keenay maanta caruurtii ay dhashay Marxuumadda, kuwaasi oo maxkamdda ka hor-sheegay wixii ay arkeen markii hooyadood falka lagula kacayay.

Maxkamadda ayaa ballamisay fadhiga kale ee xiga, waxaana dhinacyada la siiyay fursad ay kusoo dhameystiraan caddeymaha iyo marqaatiyaasha harsa

Maydka marxuumadda ayaa weli jira faranjiyeer. Qoyskeeda ayaa diiday inay aasaan illaa caddaaladda la marsiiyo ninkii gubay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.