Farmaajo oo sheegay in uu ka walaacsanyahay qorshaha Xasan Sheekh ee Dastuurka.

Farmaajo oo sheegay in uu ka walaacsanyahay qorshaha Xasan Sheekh ee Dastuurka.

Muqdisho  (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wada , qorshe uu ku doonayo inuu wax kaga bedelo Dastuurka KMG ah ee dalka , taas oo laga qabo walaac badan oo la xiriira isbedelka uu gali doono dalka.

Waxaa soo baxaya  madax hore oo diidan in xilligan Dowladda ay qaado talaabo kasta oo dalka u keeni karta dib u dhac , waxaana madaxdaas ka mid ah Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay sida tan :

“Iyadoo aan ognahay khatarta jiritaan ee maanta ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Annagoo ka duulayna sida shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed ay ugu midoobeen difaaca midnimadooda iyo madaxbannaanidooda, meelna ay isaga dhigeen arrimaha khilaafka gudaha, mucaarad iyo muxaafidna ay arrinkan ku garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo goleyaasha dowladda.

Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.

Marxaladdan xasaasiga ah ee aynu ku jirno ma xamili karo dalkeennu in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda in ay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.