Feejignaan ka jirta magaalada Muqdisho & sababta

Feejignaan ka jirta magaalada Muqdisho &  sababta

Muqdisho (Raxanreeb ) Waddooyin ka mid ah magaaalada Muqdisho waxaa ka jira heegan la xiriira sidii ciidanka Dowladda ay wax uga qaban lahayeen falalka amni darro ee ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho.

Feejignaanta ugu badan ayay ciidanka Dowladda ay galeen ka dib markii uu soo baxeen digniin la xiriirta suurtagalnimada in Al- Shabaab ay beegsan karaan goobaha muhiimada ah ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amniga ee Dowladda ayaa dhankooda wada kulamo kala duwan oo ay uga hadlayaan amniga caasimadda iyo suurtagalnimada falal amni darro oo Al- Shabaab ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Laamaha amniga ayaa ka aamusan wax ka dhihida amaanka magaalada Muqdisho oo maalmahan ay ka jirto xaalad hubanti la’aan ah.

Xafiiska Nabad galyada Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa soo saaray Digniin ku saabsan Weeraro ay suurtagal tahay in Alshabaab ay ka geystaan qeyba kamid ah Muqdisho.

Goobaha laga cabsi qabo in ay Alshabaab weeraraan.

1▪︎The Elite Hotel
2▪︎Km4 Checkpoints
3▪︎SYL Hotel
4▪︎Dorbin Hotel
5▪︎Dabka Area
6▪︎Jazeera Hotel
7▪︎Liido Beach
8▪︎Makka Al-Makaramah Road
9▪︎Villa Somalia Checkpoints
10▪︎Nisa Checkpoints

Fariintan Digniinta ah ayaa loo diray Shaqaalaha UN-ka ee ku sugan magaalada Muqdisho , taas oo keentay in dadka Muqdisho ay galaan feejignaan xoog badan.

Marka aad tagto goobaha bulshada waxaa si aad ah loo hadal hayaa digniinahan iyo sida ay suurtagal u tahay in ay u dhacaan , iyadoo la ogtahay in magaalada Muqdisho marar badan ay ka dhacaan falalka amni daro ee ay gaystaan Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.