Gaajo ba’an oo ka jirta Marinka GAZA & macluul laga cabsi qabo.

Gaajo ba’an oo ka jirta Marinka GAZA & macluul laga cabsi qabo.

Gaza (Raxanreeb ) – Marinka Gaza waxaa ka sii socda dhibaatooyinka ciidanka Israa’iil ay u gaysanayaan dadka halkaas ku nool waxaana sii kordhaysa gaajada ka jirta Marinka GAZA.

Waxaa laga digayaa dhibaatada halkaas ka jirta inay gaarto meel halis ah oo aan waxba laga qaban karin sida ay sheegayaan Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Xaaladda Cunno la’aanta ay sababta u tahay Xukuumadda Israaiil maadaama ay go’doomisay Magaalada Gaza ayaa kasii daraysa waxaana lasoo warinayaa in Dad u badan Carruur iyo kuwo Da’ ah ay u dhinteen xaaladdaas.

Dadkaan oo isugu darsantay gaajo, biyo la’aan, daryeelka Caafimaad oo aad ugu liito iyo Amni darrada ay sababta u tahay Israaiil ayaa markaan u muuqda in ay gaareen meeshii ugu dambaysay mar haddiiba ay u dhimanayaan cunno la’aan.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in xaaladda ka jirta Magaalada Gaza in aanay muddooyinkii u dambeeyay ka dhacay waxa keliya muuqdana ay tahay in Israaiil ay dagaalkeeda u adeegsanayso dhinaca cunnada.

In ka badan hal toddobaad, dalalka Carabta, waxay wadeen inay si wadajir ah u fuliyaan hawlgallada gargaarka cuntada ee hawada looga daadinayey Marinka Gaza.

Leave a Reply

Your email address will not be published.