GAALKACYO : Ciidamo – gadoodsan oo xirtay Kastamka canshuuraha.

Gaalkacyo ( Raxanreeb ) Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Hiiraan , wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in maanta ay kala xiran tahay magaalada Gaalkacyo isla markaana ay ka taagan xiisad.

Dhanka uu ka taliyo maamulka Galmudug ee Gaalkacyo ayay ciidanka xirteen sida RBC ay u sheegeen dad ku sugan magaaladaas oo aan la hadalnay.

Waxaa lagu soo waramayaa in ciidankan ay ku hubaysan yihiin gadiidka dagaalka , waxa ayna sheegeen in ay ka cabanayaan xaquuq kaga maqan Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor).

Kal hore waxa jiray dadaalo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisaha ka jiray magaalada Gaalkacyo , gaar ahaan dhanka uu ka taliyo maamulka Galmudug , waxaana muuqanaysa in meesha ay ka baxeen daadaaladii socday.

Waxaa lagu soo waramayaa in sababta markale laba kaclaynta keentay ay tahay markii ciidankan gadoodsan looga baxay balanqaadkii hore loogu sameeyay ee ay ku ogoladeen in ciidanka ay ka qaadaan waddooyinka magaalada Gaalkacyo.

Maamulka uu hoggaaminayo Axmed Qoor qoor ayaa wali wax hadal ah ka soo saarin xaalada ka taagan magaalada Gaalkacyo oo ah mid soo noq – noqotay oo ilaa iyo hadda aan lagu guulaysan in wax laga qabto.

Wixii ku soo kordha halkaan kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.