Gararisa (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa ka soo baxay geerida gabar lagu magacaabo Hodan Gaabay oo aad caan ugu ahayd baraha bulshada taas oo ku geeryootay shil gaari.
Shilkan ayaa dhacay magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari dalka Kenya sida ay sheegeen dad halkaas ku sugan oo warbaahinta la hadlay.
Dad badan oo ku xiriira baraha bulshada ayaa aad u hadal haya gabadhan lagu magacaabo Hodan Honest oo aad loogu yaqaanay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Xaafada Soomaalida ay degto ee Islii ayay gabadhan caan ka ahayn waxaana geerideeda ka naxay dad badan Soomaaliyeed oo si aad ah u yaqaanay gabadhan.
Waxa ay ka tacsiyayeen , dadka iyada taqaanay gaarideeda iyaga oo sheegay inay aad ugu xun yihiin dhimashada Hodan gaabay.
Ilaah ha u naxariistee gabadhan ayaa waxa ay ka mid ahayd gabadhaha Soomaaliyeed ee aad u adeegsada baraha bulshada si gaar ah aalada TikTok
Marar badan ayaa sidan oo kale shilal noocaan ookale ah waxa uu ugu dhacay magaalada Gaarisa ee waqooyi bari Kenya oo dad badan ay ku dhinteen.
Leave a Reply