GALMUDUG | Ciidanka DFS oo howlgal ka wada- gabeedka Galgaduud.

GALMUDUG | Ciidanka DFS oo howlgal ka wada- gabeedka Galgaduud.

Dhuusmareeb (Raxanreeb )- Ciidanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa –bariga galgaduud ka fuliyay howlgal ay ku doonayaan in ay ku xaqiijiyaan amniga halkaas oo ka mid ah deegaanadii ay kula dagaalmeen Al- Shabaab.

Howlgalka ay sida wadajirka uga fuliyeen dhulka howdka ah, Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ahaa mid looga hortegayay qorshe ay maleegayeen xubno ka tirsan Alshabaab.

Taliyaha Guutada 26-aad Gaashaanle dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu bar-tilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo isku uruursanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada Koonfurta iyo bartaha dalka ayaa xoogaystay bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu xaqiijiyo nabad-galyada guud ee dalka.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga deegaanadii laga saaray kooxda Al-Shabaab .

Leave a Reply

Your email address will not be published.