GALMUDUG : Dil lagu fuliyay dad loo soo qabtay dilka ganacsade Sh. Xasan Diirshe & Saciid Tahliil.

GALMUDUG : Dil lagu fuliyay dad loo soo qabtay dilka ganacsade Sh. Xasan Diirshe & Saciid Tahliil.

Dhuusmareeb (Raxanreeb )- Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta oo Khamiis ah  dil toogasho ah ku fulisay  raggii dilay Macalinkii iyo Dhakhtarkii walaalaha ahaa.

Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan magaalada Dhuusamareeb  waxaa dadkaas la toogtay Saldhigga Booliiska looga qaaday gadiid waxaana goobta ku sugnaa ehelada iyo masuuliyiinta maamulka

Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile cabdullahi Xasan ayaa lagu fuliyay  dilka qisaasta ah ee Marxuumiinta kale ahaa Dr Axmed Xasan cusmaan iyo Macallin Axmed Xasan Cusmaan.

Raggan ayaa waxaa horey dil toogasho ah ugu xuntay Maxkamadda Gobolka Galgaduud.

Labada ganacsatada ah ee la dilay ayaa kamid ahaa dadka ugu magaca dheer ee magaalada, iyada oo dilkooda uu abuuray cabsi dhinaca amniga magaalada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.