Gambia ayaa sheegtay in ay fashilisay afgembi millitari

Serrekunda , Banjul (Raxanreeb) — Dowladda Gambia ayaa sheegtay in ay fashilisay afgambi militari, ayna xireen afar askari oo qorsheynayay in ay afgambiyaan maamulka Madaxweyne Adama Barrow.

War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Gambia ay gacanta ku dhigeen afar askari oo lala xiriirinayo afgambiga la sheegay in uu fashilmay kadib howlgal ay ciidamadu sameeyeen Talaadadii.

“Iyada oo lagu saleynayo warbixinnada sirta ah, qaar ka mid ah askarta Gambia ayaa qorsheynayay in ay afgambiyaan dowladda sida dimoqraadiga ah loo soo doortay,” sida lagu yiri bayaan ka soo baxay Dowladda Gambia.

Isku dayga afgambiga ayaan ku cusbayn dalka Gambia, oo ah dal yar oo galbeedka Afrika ah oo ay ku nool yihiin 2.5 milyan oo qof oo ay ku hareeraysan yihiin gebi ahaan dalka Senegal, kaas oo weli la ciirciiraya in ka badan labaatan sano oo madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh uu xukun keli-talis ah ku maamulayey iyo tacadiyo lagu eedeeyey.

Jammeh qudhiisa ayaa xukunka afgambi kula wareegay sanadkii 1994-kii, waxaana uu fashiliyay isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in xukunka looga tuuro kahor inta aanu ku guuldarreysan doorasho dabayaaqadii 2016-kii, taas oo uu ku guuleystay Barrow.

Xil ka qaadistiisa ayaa loo arkayay mid sare u qaadaysa dimuqraadiyadda, walow ay jirtay niyad jab xooggan oo ay xukuumadda Barrow ka qabeen inay wax ka qabato saboolnimada iyo sare u kaca maciishada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.