DEG-DEG : Dowladda oo si buuxda ula wareegtay Ruun-nirgood.

Jowhar ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Ruun Nirgood ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda ayaa hadda deegaankaasi ka wada baaritaanno ay ku xaqiijinayaan Amniga deegaanka.

Saraakiisha howgalka hogaamineysa waxay sheegeen in runirgood kadib ciidamadda ku wajahan yihiin masagawaay halkaas oo in muddo ah ay maamulayaan kooxda Al- Shabaab.

Janaral Cali Caraye Cosoble Gacmadulle ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in taago ka mid ah Shabeellaha Dhexe ay ku sugnadaan kooxda Al- Shabaab.

Deegaano badan oo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ayaa Al-Shabaab laga saaray inta aan ka aheyn degaanka Runirgood oo hadda ay kaabiga ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka degaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.