GAROOWE :  Burcadii afduubatay Markabka MV Abdullaahi oo gacanta lagu dhigay.

GAROOWE :  Burcadii afduubatay Markabka MV Abdullaahi oo gacanta lagu dhigay.

Garoowe (Raxanreeb )- War qoraal ah oo ka soo baxay maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay  in gacanta ay ku dhigeen mid ka mid ah koox bucad badeed ah oo afduub u gaystay  Markab lagu magacaabo MV Abdullaahi.

Waxaa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland in taliska qeybta gobolka Nugaal ay gacanta ku dhigeen eedeysane Maxamed Cali Aadan oo ka mid ahaa burcad-badeedii afduubtay markabka MV Abdullah.

Howlgalka lagu qabtay eedeysanaha katirsanaa koox burcad-badeed ah oo ka jira deegaannada Puntland ayaa ka dhacay deegaanka Yibaayil oo ka tirsan degmada Dangorayo, booliiska ayaana raadinaya xubno kale oo burcad-badeed ah.

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 malyan oo doolar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.