Hargeysa (Raxanreeb Online): Magaalada Hargeysa ayaa bishii u dambaysay laga dareemayay yaraanta weelasha hal mar la isticmaalo ee cuntada safaariga lagu qaato, kuwaas oo loo yaqaan “One Time Use”.
Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa yaraanta weelashan ku sababeeyay xidhnaanshaha marinnada muhiimka ah ee ay badeecaduhu uga soo geli jireen Somaliland.
Qaar kamid ah hoteellada iyo maqaaxiyaha ayaa hadda cuntada macaamiisha ku ridaya bac, taas oo walaac ka dhalisay badqabka iyo nadaafadda cuntada. Meelaha weli laga heli karo weelashan ayaa iyaguna qiimahooda kor u qaaday, iyadoo la sheegay inay mararka qaar laba jibbaar ka badan yihiin qiimihii hore.
Weelashan waxaa badanaa laga sameeyaa aluminium khafiif ah (aluminium foil), waxaana lagu farsameeyaa mashiinno gaar ah oo aluminium-ka lagu cadaadiyo laguna qaabeeyo. Waa kuwo fudud, kulaylka u adkaysta, isla markaana dib loo warshadayn karo.
Dalalka sida weyn u soo saara weelashan waxaa kamid ah Shiinaha, Hindiya iyo Turkiga, waxaana suuqyada Somaliland lagu keenaa iyadoo dibadda laga soo dhoofiyo.

Leave a Reply