GAZA  Xabad joojin  maka dhaqan galaysaa ?.

GAZA  Xabad joojin  maka dhaqan galaysaa ?.

GAZA (Raxanreeb )- Waxa  la filayaa oo rejo laga qabaa markale  in xabad joojin ay ka dhaqan gasho marinka GAZA , ka dib markii dhawr jeer   ay fashilmeen wada-hadalo arintaas lagu doonayay.

Sida ay sheegayaan ilo  diblomaasi  Xamaas ayaa si rasmi ah u aqbashay  hindisihii soo jeedinta madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee ah xabad joojin ka dhaqan gasho Gaza.

Qodobada waxaa ku jira ee uu soo jeediyay in Israa’iil iyo Xamaas ay is weydaarsadaan  la heystayaal iyo qodobbo kale, arrintaan ayaa u muuqa mid hoos u dhigeysa xaaladda Gaza.

Mas’uuliyiinta Ururka Xamaas ayaa Reueters u sheegay, in Xamaas ay ka laabatay dalabkeedi hore ee ahaa, in marka hore Israa’iil aqbasho ka bixintaannka dhulka Gaza, kaas oo keenay in Israel dhankooda ay ka biyo diidaan dalabka Xamaas.

Dhanka kale Ugu yaraan 38,100 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 87,705 kalena waa lagu dhaawacay weerarka militariga Israa’iil ee Gaza tan iyo 7dii Oktoobar

Leave a Reply

Your email address will not be published.