Luuq (Raxanreeb ) Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwayne ku xigeenka maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta ku wajahan degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Wafdigan oo ka baxaya magaalada Kismaayo ayaa sida qorshahay waxa ay halkaasi u tagayaan sidii wadahadalo ay ula yeelan lahaayeen maamulka degmada iyo odayaasha deegaanka.
Wadahadalan ayaa intooda badan diirada lagu saarayaa sidii loola shaqeyn lahaa maamulka cusub ee gobolkaasi Gedo dhawaan loo magacaabay iyo sidii Jubaland ay dib gacantooda ugali leheyd maamulka gobolkaasi oo ka maqnaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay.
Amaanka guud ee degmada Luuq ayaa saaka si weyn loo adkeeyay, iyadoo shacab badan ay buux dhaafiyeen garoonka degmada oo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweynta.
Maamulka ka jira degmada Luuq ayaa taageeray maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe, waxa ayna masuuliyiinta maamulka sheegeen in ay la shaqeenayaan maamulka cusub ee Gedo loo soo magacaabay.
Gobolka Gedo degmooyinkiisa kale ayaa wali diidan in ay la shaqeeyaan maamulka Jubbaland, waxaana horey qaar kamid ah degmooyinka Gedo loogu diiday in ay tagaan masuuliyiin gobolka Gedo u magacaabay Axmed Madoobe.
Leave a Reply