GO’AAN : Maxkamad go’aan ka soo saaraysa kiiska nin xaaskiisa gubay.

GO’AAN : Maxkamad  go’aan ka soo saaraysa kiiska nin xaaskiisa gubay.

Muqdisho (Raxanreeb)- Maxkamadda G/Banaadir ayaa Go’aanka ka gaari doonto kiiska Luul Cabdicasiis ee uu Eedeysane ka yahay Sayid Cali oo ku eedeysan in uu nolosha ku gubay xaaskiisa oo uur laheyd.

12- Duhurnimo ayey maxkamaddu go’aanka lu dhawaaqi doontaa! Waxaana ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda wada sugaya shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyska Marxuumada.

Waqtigan ayaa gudaha Maxkamada ku sugan inta badan warbaahinta iyo bulsho kale kuwaas oo marqaadi maanta oo Arbaca ah ka noqon doono xukunka ay rido Maxkamada gobolka Banaadir.

Qoraal ay horay usoo saartay maxkamadda ayaa lagu muddeeyay kiiskan xasaasiga ah oo ay aad isha ugu hayaan dadka Soomaaliyeed.

Marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana maalintii la gubay kasoo wareegtay muddo bil ah waxayna ehelkeeda dalbanayaan in cadaalad ay hesho gabadhooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.