Laascanood (Raxanreeb ) Isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa ku dhawaaqay in aysan qayb ka ahayn arrimaha doorashada Puntland ee 2024.
Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa lagu caddeeyay in aysan xuli doonin 17-kii xildhibaan ee Baarlamanka Puntland laga soo dooran jiray degaannada SSC.
Golaha isimada ayaa sidoo kale go’aamiyay in aysan cid ka soo jeeda degaankooda u tartami karin doorashada soo socota ee 2024 madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Isimada ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha ka tirsan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ee ka soo jeeda SSC in ay xilka iska casilaan.
Maalmihii la soo dhaafay magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa ka soconayay kulamo looga hadlayo waxa laga yeelayo xildhibaanadii ka imaanayay deegaanada gobolada Khaatumo.
Maanta ayaynu baahay xogta ku saabsan go’aanka horudhaca ah ay gaari doonaan isimadama khaatumo ee ku shirsanaa magaalada Laascanood.
Leave a Reply