Golaha ammaanka oo go’ aan culus ka soo saaray dhoofinta dhuxusha

Golaha ammaanka oo go’ aan culus ka soo saaray dhoofinta dhuxusha

NewYork ( Raxanreb ) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray go’aan  cusub oo la xiriira dhoofinta dhuxusha, oo ay hore Qaramada Midoobay ugu soo rogtay cunaqabatayno kala hase ahaatee wali ay socoto daabulida dhuxusha.

Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 2696 (2023) ayaa 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay taageereen in dawladda Soomaaliya ay qaado tallaabo ay si dhamaystiran meesha uga saaraysa dhuxusha kaydsan, iyada oo raacayo codsiga ay dawladda Soomaaliya u gudbisay golaha, bishii August 14-keedii.

Qaraarkan cusub ayaa lagu sheegay, “in iyada oo la ogsoon yahay in xaaladda Soomaaliya ay weli khatar ku tahay ammaanka iyo nabadda caalamka, in haddana golaha ammaanku uu si wadajir ah u ansixiyey qaraar qabyo ah oo ka hadlaya, in hal mar la hakiyo, cunaqabataynadii hore ee saarnayd si meesha looga saaro dhuxusha kaydsan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.