Golaha Shacabka oo Digniin Ka Soo Saaray Xildhibaanada Ka Maqan Fadhiyada

Golaha Shacabka oo Digniin Ka Soo Saaray Xildhibaanada Ka Maqan Fadhiyada

Muqdisho (Raxanreeb Online): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa shir guddoomiyey kulanka 4-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in xildhibaanada sabab la’aan uga maqnaada fadhiyada Golaha lala tiigsan doono xeer-hoosaadka Golaha, isagoo sidoo kale sheegay inaan la aqbali doonin xildhibaanada is xaadariya balse kulanka isaga baxa.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu dhaariyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi.

Kulanka oo ku furmay kooram dhan 140 xildhibaan ayaa Golaha Shacabka lagu marsiiyey akhrinta koowaad Borotokoollada Dheeraadka ah ee kaabaya Afarta Axdi ee Geneva ee 1949-kii, kuwaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sidoo kale, Xildhibaanadu waxay akhrinta labaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Qaybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xildhibaanada kula dardaarmay inay xoogga saaraan gudashada waajibaadka ay shacabka Soomaaliyeed u igmadeen.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale loo qeybiyey Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee ku saabsan ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala-duwanaanshaha noolaha badda ee aagagga ka baxsan awoodda qaranka, oo loo yaqaan BBNJ Agreement.

Leave a Reply

Your email address will not be published.