Golaha Shacabka oo war  ka soo saaray dilka wiil dhallinyara ah oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ee Barlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow oo walalkiisa Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Abshirow Kooxo arxaan laawayaal ah ku dileen Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo guud ahaan Golaha Shacabka BJFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Gudddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshiroow oo walaalkiis Cabdiraxmaan Cumar Abshiroow ay kooxo hubeysan saakay ku dileen Degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle uga baryay qoyska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed uu ka baxay inuu samir iyo Iimaan ka siiyo isagoo marxuumka Eebbe Weyne uga baryay in uu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo.

Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Abshirow ayaa la dhashay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, wuxuuna kamid ahaa Dhlinyarada wax bartay ee kunool Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.