Muqdisho (Raxanreeb ) waxaa caawa la isugu yeerey shir deg-deg ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Warar ayaa sheegaya in laga yaabo in shirka , xilka laga qaadayo Taliyaasha ciidanka kuwa kalena la magacaabo , inkastoo warkaas aad u adkayn.
Hadal haynta ilaa iyo hadda ka jira shirka ayaa ah suurtagalnimada in xilka laga qaado , Taliyaasha kala ah Dhulka,Taliyaha xoogga iyo Booliska.
Waxaa la saadaalinayaa in suurtagal ay tahay in Taliyaha ciidanka Booliska loo magacaabo Generaal Xaamud halka Taliyaha xoogga la hadal hayo in loo magacaabi doono Axmed Danab oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland.
Si kasta xogtan ayaa xili kasta isbedeli karta maadama shirkan la sheegay inuu yahay mid xasaasi ah oo laga yaabo in qodobada qaar wax laga bedelo.
Wixii ku soo kordha kala soco :
www.raxanreeb.com.
Leave a Reply