Goobta iyo Wakhtiga la aasayo Queen Elizabeth II

Uk (Raxanreeb) Naxashka meydka boqoradda ayaa la dhigi doonaa hoolka Westminster Abbey afar maalmood ka hor aaskeeda oo ku aaddan maalinta Isniinta, ee ku beegan 19-ka Sebtember.

Dadweynaha ayaa loo oggolaan doonaa inay daawadaan naxashka muddadaas hoolka ayaa ku yaalla qeybta ugu qadiimsan ee qasriga Westminster, oo muhiim u ah Britain. Sanadkii 2002, naxashka Boqoradda hooyadeed oo xilligaa geeriyootay ayaa la dhigay hoolka, waxaana booqday in ka badan 200,000 oo qof.

Naxashka Boqoradda ayaa la saari doonaa dhismo taag ah oo loo yaqaan catafalque, halkaas oo ay ilaalin doonaan askar ka tirsan ilaalada boqortooyada.

Naxashka ayaa marka hore laga soo qaadi doonaa qasriga Buckingham, waxaana qaadaya gaadiid tartiib u socda oo ay la socdaan milateriga iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ay geyn doono qasriga Westminster.

Intaas ka hor, meydka boqoraddu wuxuu sii yaali doonaa St Giles’ Cathedral ee Edinburgh muddo 24 saacadood laga bilaabo Isniinta oo ay taariikhdu tahay 12 Sebtembar.

Qoyskeeda, siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha adduunku waxay ka qaybgeli doonaan aaska qaran ee boqoradda oo loo asteeyay 19-ka September saacadda 11:00 xilligia UK. Waxay noqon doontaa maalin fsax ah guud ahaan dalka UK.

Safarka naxashka boqoradda ee ugu dambeeya ayaa billaaban doona maanta oo Axad ah, iyada oo naxashkeeda ay qaadi doonaan shaqaalaheeda Balmoral kuwaas oo geyn doona Edinburgh.

Marka uu halkaa gaaro, waxaa naxashka la dhigi doonaa qasriga Holyroodhouse ee ay boqortooyadu ku leedahay magaaladaas. abaare 4-ta galabnimo ee xilliga UK.

Gelinka dambe ee Isniinta, waxaa loo gudbin doonaa St Giles’ Cathedral, iyada oo ay weheliyaan xubno ka tirsan qoyska Boqortooyada. Waxaa jiri doona duco, naxashkuna wuxuu ku nasan doonaa halkan 24 saacadood, si ay dadku u bixiyaan ixtiraam.

Maalinta xigta, amiirad Anne ayaa raaci doonto maydka hooyadeed marka loo soo gudbinaya London. Naxashka boqorada ayaa laga qaadi doonaa madaarka Edinburgh ilaa Qasriga Buckingham.

Galabta Arbacada, waxaa la geyn doonaa Westminster Hall, abaare 3-da galabnimo.

Isniinta, 19-bisha Sebteembar aaska qaran waxa xigi doona socod ka ka soo bilaabanaya London ilaa Windsor Castle. Boqorada waxaa lagu aasi doonaa King George VI Memorial Chapel ee Windsor.

Safarka boqorka

Kahor aaska hooyadii, boqorka cusub wuxuu booqan doonaa Scotland, Waqooyiga Ireland iyo Wales. Ra’iisul Wasaare Liz Truss ayaa ku wehlin doonto safarka.

Baroordiiq qaran ah ayaa socon doonta ilaa maalinta aaska qaranku dhacayo, sida ay xukuumaddu ku dhawaaqday. Qoyska boqortooyada ayaa sii wadi doona baroor diiqa todoba maalmood ka dib.

Westminster Abbey waa kaniisada taariikhiga ah boqorrada Britain lagu caleemo saaro – laakiin ma jirin adeeg aaska boqortooyada ah oo halkaas ka dhacay ilaa qarnigii 18-aad.

Aaska Boqorada aabaheed, awooweheed iyo ayeeyadeed iyo ayeeyadeed labaad, Queen Victoria, ayaa dhamaantood lagu qabtay St George’s Chapel, Windsor.

Madaxda dawladaha adduunka oo dhan ayaa lagu martiqaadi doonaa inay ku soo biiraan xubnaha qoyska boqortooyada si ay u xusuustaan ​​nolosha iyo adeegga boqoradda.

BBC SOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published.