Carruur Walaalo ah oo Miino kula qaraxday deegaannada Bari

Muqdisho (Raxanreeb) —  Wararka laga helayo gobolka Bari ee hoostaga dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta carruur walaalo ah ay miino kula qaraxday deegaanka Laaso Dawoco ee gobolkaas.

Carruurta ayaa lagu soo warramayaa in xilliga ay miinada ku qarxeysay ay ku ciyaarayeen, islamarkaana ay ku sugnaayeen gurigooda, balse ay ka maqnaayeen waalidoontooda.

Guddoomiyaha Laasa Dawoco Maxamuud Jaamac Biritish oo la hadlay VOA ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxaasi, wuxuuna shaaciyey in labada carruur ah ay soo gaareen dhaawacyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guriga laga soo saaray miinooyin kale oo gaaraya illaa lix, kuwaas oo uu tilmaamay in aan la garaneyn meesha ay ka keeneen carruurta.

“Halkan waxaa ka dhacay ciyaalbaa miino ku qaraxday, miinada illaa iyo hadda meel ay ka keeneen lama yaqaano, hadda guriga waxaa laga soo guray miinooyin intaa ka badan oo illaa shan iyo lix ah,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Laasa Dawoco Maxamuud Biritish.

Isaga oo ka hadlayey xaaladda caafimaad ee carruurta ayaa waxa uu tilmaamay inay soo gaareen dhaawacyo halis ah, islamarkaana ay waxyeelo gaarsiiyeen firirka miinada.

“Ciyaalka midbaa gacabta go’day, midna lugbaa wax ka gaareen firir miiran bey noqdeen guriga kaligoodbaa qolka ku jiray dadka waa weyn waa ka maqnaayeen” ayuu raaciyey.

Soomaaliya waxaa inta badan la soo wariyaa waxyeello ka dhalata haraadiga hubka aan weli qarxin iyo miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay dhibaato ka soo gaarto shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.