Goodax ”Shabaab waa in lagu weeraraa goobaha ay joogaan.

Goodax ”Shabaab waa in  lagu weeraraa goobaha ay joogaan.

Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in hadal wax badan u soo kordhinaynin shacabka gobolka Hiiraan oo uu sheegay in si joogta ah ay ula kulmaan dhibaatooyin uga imaanaya Al- Shabaab.

Goodax ayaa sheegay in falkii ka dhacay gobolka Hiiraan ee lagu laalay dad shacab ah uu muujinayo ficilada wali Al- Shabaab ay ka gaysanayaan guud ahaan Soomaaliya.

” Hadal keliya maanta wax ma tarayo waa in lala yimaadaa ficil ” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Isagoo Facebookiisa , gaarka ah kula hadlayay siyaasiinta iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayuu sheegay in Al- Shabaab waqtigan loogu tago goobaha ay ku sugan yihiin.

” Ma ah in gacmaha la isa saarto ee waa in lala yimaadaa ” ayuu hadalkiisa raaciyay Goodax Bare.

Inta badan siyaasiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa si isku mid ah u cambaareeyay ficilkii Al- Shabaab ay ku laayeen dad shacabka ah isla markaana ay ku gubeen raashiin ay lahayeen dadkaas.

Masuuliyada weerarkaas waxaa sheegtay Al- Shabaab oo xustay in ay beegsadeen koox macwiislay ah oo dagaal kala soo horjeeday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.