Muqdisho ( Raxanreeb )-๐๐๐ง๐ง๐๐๐ฒ๐จ ๐๐๐๐: Kooxda Shabaab ayaa bilawday faagista qubuurihii Talyaaniga ee ku yaallay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Lafaha iyo madaxyo dad ayaa maalmo ka bacdi lagu arkay xaafado ka tirsan Muqdisho, sida aagga Garoonka Muqdisho.
Goobta waxaa markii danbe laga dhigay xero lagu tababaro maleeshiyaadka Shabaabka.
๐๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐ฆ๐๐๐ซ ๐๐๐๐: Shabaab ayaa bililiqaystay qubuuro ku yaallay Kismaayo, iyagoo lafihii jawaano ku qaatay.
๐๐ค๐ญ๐จ๐จ๐๐๐ซ ๐๐๐๐: Dowladda Talyaaniga ayaa canbaareysay falka lagu beegsaday meytida Talyaaniga, waxayna Talyaanigu xilligaas ku dhawaaqeen inay lafaha soo qaadan doonaan oo ay dalkooda geysan doonaan.
๐๐ ๐๐ค๐ญ๐จ๐จ๐๐๐ซ ๐๐๐๐: Waxaa falka qubuuro faagista canbaareeyay Raโisul Wasaarihii Dowladdii KMG ahayd Cali Maxamed Geeddi oo ku tilmaamay faagista lafaha meydka โfal fool xun, fal dambiyeed iyo fal biniโaadantinimo ka baxsan.โ
๐๐ ๐๐ค๐ญ๐จ๐จ๐๐๐ซ ๐๐๐๐: Degmada Galhareeri ee bartamaha Soomaaliya, waxay Shabaabku boobeen dhul isugu jiray qabriga Sheekh Cali Cibaar iyo masjid weyn oo culimada Ahlu Suna kaasoo ay burburiyeen.
๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐จ ๐๐๐๐: Al-Shabaab ayaa faagay qabrigii Sheekh Aadan Dheere oo ku yaallay agagaarka Xararyaale iyo qabrigii Sheekh Cali Muumin oo isna ku yaallay xaafadda Labo Dhagax ee degmada Wardhiigley. Shabaab lafaha culimada waxay ku qaateen jawaanno.
๐๐๐๐๐๐ง๐ค๐ข๐ข ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐จ ๐๐๐๐: Waxay Al-Shabaab gudaha u galeen Mowlaca Sheekh Cali Cabdulle ee ku yaallay Xaafada Arjantiin ee Degamada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Waxay burburiyeen Qabrigii uu ku aasnaa iyagoo jawaan ku qaatay lafihii Sheekh Cali Cabdulle.
๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐จ ๐๐๐๐: Shabaabku waxay qodeen, kana soo saareen qabriga lafihii Sheekh Muxyadiin Celi oo ahaa shiikhii waxbaray culimo badan.
๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐จ ๐๐๐๐: Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa burburiyay qabrigii Sheekh Maxamed Biyamaaloow, iyagoo gudaha u galay masjidka Biyamaaloow oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu sheekhu ku aasnaa. Maleeshiyada Shabaab ayaa bannaanka usoo saaray lafaha Sheekh Biyamaaloow.
๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ค๐ข๐ข ๐๐ฎ๐ฎ๐ง ๐๐๐๐: Waxaa faagis lagu billaabay qubuuraha Macallin Nuur ee duleedka Muqdisho. Waxaa iyadoo meydadka lagala baxaayo ka gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in dhulka uu markii hore ahaa waqaf.
๐ ๐๐๐ฒ ๐๐๐๐: Waxaa faagis lagu billaabay qubuuraha Iskool Boliisiya ee magaalada Muqdisho, waxaana meydadkii lasoo faagay ka mid ahaa majaajileystihii geeriyooday AUN Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).
๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ง ๐๐๐๐: Dowladda Xasan Sheekh ayaa bilawday qodista iyo faagista qubuuraha Iskool Boliisiya iyadoo lafaha meytida laga qaadaayo lacag doollar ah oo laga rabo ehelkooda.
W/Q: Abdalle Ahmed Mumin
Leave a Reply