Goormuu fursamayaa Fadhiyada  Golaha Shacabka muxuuse yahay mooshinka jira ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Maalmah soo aadan ayaa lagu wadaa in xarunta Golaha Shacabka  uu ka  furmo fadhiyada   Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar aan ka helnay xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Maxmed Nuur Madoobe ayaa xaqiijinaya in Golaha shacabka si rasmi ah u furmi doono 15-ka Bishan.

Xubnaha  Golaha shacabka ayaa ayaa  ku maqnaa fasax in  muddo ah hase ahaatee wixii 15-ka bishan ka danbeeya ay sii amqaadi doonaan doodaha Barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada qaar  ayaa sheegaya inuu  jiro guux ku saabsab abaabulka mooshin xilka looga xajiubinayo Xildhibaan  Sacdiya oo ah  Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka.

Mudayaasha Barlamaanka qaarkood oo aan xogtan wax ka waydiinay ayaa dhankooda waxa ay ka gaabsadeen in wax xog ah naga siiyaan warkan ku saabsan mooshinka ka dhanka ah  Guddoomiye Sacdiyo.

Si kasta lama oga sida ay wax isku bedeli doonaan , marka uu  furmo fadhiga Barlamaanka 15-ka bishan November 2022.

Leave a Reply

Your email address will not be published.