Guddiga doorashada Qaranka oo goordhow shaacin doona natiida doorashadii ka dhacday Galmudug

Guddiga doorashada Qaranka oo goordhow shaacin doona natiida doorashadii ka dhacday Galmudug

Dhuusamareeb ( Raxanreeb Onlie) Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sacaadaha soo socda Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, kaga dhawaaqi doonaa natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee Isku sidkanayd taas oo ka qabsoomtay deegaannada Maamul Galmudug.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku mashquulsanaa saacadihii u dambeeyay tirinta codadkii la dhiibtay, waxaana maanta ay shaacinayaan natiijadaas iyada oo ay sugayaan ururradii Siyaasadda ee ka qaybgalay Doorashadaas si ay u helaan natiijada ay sugayaan.

Doorashada Dadweyne ee Galmudug ka dhacday waa tii afaraad oo guddigaan uu qabtay, markii ugu horreysay waxa uu dhammaadkii 2025 doorasho ka hirgeliyay Gobolka Banaadir, halka sannadkaan uu doorasho sidaan oo kale ugu qabtay Koofur Galbeed.

Sidoo kale hogaamiyaha Xisbiga Towfiiq Sheekh Shaakir, ayaa gadood xooggan ka muujiyey shaqada gudiga doorashooyinka, lamana oga inuu aqbali doono natiijada doorashada soo baxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.