Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka horyimid arin uu sameeyay Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka horyimid arin uu sameeyay Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin

Muqdisho (Raxanreeb) — Shir aan caadi ahayn oo yeesheen xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa lagu diiday nidaamka uu u soo maray Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Xasan Maclain soo gudbinta heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Wasiirka ayaa maanta u gudbiyay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku horey u gaareen isla markaana ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Guddiga Kor-joogteynta iyo La-socodka Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Barlamaanka Federaalka.

Heshiisyada uu maanta gudbiyay Wasiir Xasan Macalin ayaa kala ahaa:

1.Heshiiska Hannaanka Federaalaynta Garsoorka

2.Astaynta Awoodaha Hay’adaha Dawladda

3.Heshiiska Astaynta iyo Wadaagga Dakhliga

4.Heshiiska Qaab Dhismeedka Amniga Qaranka iyo

5.Heshiiska Hannaanka Doorashooyinka Qaranka

Guddiga Joogtada ah ayaa isla gartay in Gudoomiyaha Guddiga Kor-joogteynta iyo La-socodka Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Barlamaanka Federaalka uu dib u celiyo nuqulada warbixinta uu maanta la wareegay isla markaana la soo marsiiyo habraaca gudbinta heshiisyada iyo hindise sharciyeedyada si waafaqsan Dastuurka KMG ah.