Ra’isul Wasaarihii hore ee Scotland oo la xiray

Ra’isul Wasaarihii hore ee Scotland oo la xiray

Scotland (Raxanreeb) — Ra’isul Wasaarihii hore ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa loo xiray baairtaanka la xiriira lacagaha maalin galinta xibiga SNP.

Booliska ayaa xaqiijiyay in haweeneydan 52 jirka ah loo qaaday xabsiga iyadoo tuhmane ah, isla markaana ay baarayaashu su’aalo waydiinayaan.

Bishii April shanteedii booliska ayaa baaray guriga Ms Sturgeon iyo xarunta xisbiga ee Edinburgh.

Boolisku waxay horey u xireen ninkeeda oo lagu magacaabo Peter Murrell oo horey u ahaa madaxa fulinta ee xisbiga SNP, inkastoo markii dambe la sii daayay iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin.

Boolisku waxay kaloo horey ula wareegeen bas guri yaalay dibadda guriga Murrell hooyadii ee Dunfermline.

Ku dhawaad labo todobaad kaddibna, waxa la xiray khasnajiga xisbiga SNP Colin Beattie, inkastoo la sii daayay isagoon wax dacwad ah lagu soo oogin.

Nicola Sturgeon waxay muddo 8 sano ah Ra’isul Wasaare ka ahayd Scotland, waxayna si lama filaan ah xilka isaga casishay 15 bishii Febraayo.

Waxay ahayd Ra’isul Wasaarihii ugu muddada dheeraa iyo haweynaydii ugu horreysay ee xilkaa qabata Scotland.