Guddoomiyaasha degmooyinka oo lagu canaantay hubaal la’aanta ka jirta amniga

Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan ujeedkiisu ahaa ka hadalka ammaanka degmooyinka magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jirtay xaalad hubinti la’aan ah.

Kulankan waxa uu ka dhacay Degmada warta- Nabad , halkaas oo ay ku sugnayeen laamaha ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo soo bandhigay sida ay tahay in loo xaqiijiyo ammaanka caasimadda.

Saraakiisha iyo Guddoomiyaasha degmooyinka qaar ayaa sheegay in ay muuqaynayso wada shaqayn la’aan la xirirta qaybaha amaanka degmooynka loona baahan yahay in lala yimaado qorshe ay ku wada shaqayn karaan Hay’adaha kala duwan ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Warta nabadda oo marti galinaysay kulankankan Saynab Xaabsey ayaa sheegtay in Shacabka looga digay in guryaha aysan ka kireeyaan dad aysan aqoon taas oo qatar ku ah amniga Muqdisho.

Maamulada kale ee degmooyinka ayay sheegtay Guddoomiayah in sidoo kale ay isla meel dhigeen in ay wada xiriiraan si bay tiri meel loogu soo wada jeesto shaqsi kasta oo ka qayb qaata ammaan darida caasimadda.

Inta uu socday kulankan ayaa si la mid ah Guddoomiyaasha iyo saraakiisha ciidan waxa ay isku raaceen in lala yimaado qorshe cad oo ku saabsan xaqiijinta amniga caasimadda oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jitay falal amni darro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.