Guddoomiye ku xigeen ka tirsanaa Sh. Hoose oo qarax miino lagu dilay

 Guddoomiye ku xigeen ka tirsanaa Sh. Hoose oo qarax miino lagu dilay

Afgooye (Raxanreeb) Wararka aan ka helayno deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaas qarax miino lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Mareeray ee Shabeellaha hoose.

Guddoomiye ku xigeenkii Deegaanka Mareerey ee Degmada Afgooye Cali Cumar ayaa la kacday gaarigiisa miino la galiyay wadada dhinaceeda.

Waxaa lagu soo waramayaa in sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka uu la dhintay askari ka mid ahaa ilaalidaas

Dad kale oo shacab ah ayaa la sheegayaa in waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxa miino uu u ku dhintay maanta Guddoomiye ku xigeenka maamulka deegaanka Mareeray ee Shabeellaha hoose.

Maamulka gobolka Shabeeellaha hoose ee uu ka tirsanaa wali wax faahfaahin ah ma uusan ka saarin weerarkan

Leave a Reply

Your email address will not be published.