Guddoomiyihii degmada Ceelcadda ee Gobolka Hiiraan oo shilgaari ku geeriyooday.

Beledwayne ( Raxanreeb ) Guddoomiyihii degmada Ceelcadde ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa inuu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Ceelcadde ayaa shilka gaari ku dhintay , isaga oo ku guda jira howlo shaqo oo la xiriira howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Ceelcadde oo lagu magacaabi jiray Isaakh Cumar Iimaan ayaa watay gaari yar oo fudud si uu sahay u gaarsiiyo ciidanka Dowladda iyo kooxaha kacdoonka.

Gaariga ayaa lagu soo waramayaa in si xowli ah u socday , taas oo keentay shilka uu ku geeriyooday maanta oo Khamiis ah Gudoomiye Isaakh Cumar Iimaan.

Ma jiro dhimasho ama dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah ilaalada Guddoomiyaha ee la saarnaa gaariga , waxa keliya ku dhintay shilkaaa Guddoomiyaha Ceelcadde.

Guddoomiyaha degmada Ceelcadde ee gobolka Hiiraan ayaa ka tagay 11 caruur ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.