Guinea (Raxanreeb) Waddanka Guinea ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika waxaa dib loo furayaa Gal dacweedka kiis 2009-kii ka dhacay Garoon lagu ciyaaro Kubbadda Cagta oo lagu dilay ugu yaraan 157 ruux halka lagu kufsaday in ka badan 100 Haween ah.
Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soosaartay waxa ay hay’adaha garsoorka ku cadaadisay in ay u istaagaan sidii ay caddaalad u heli lahaayeen ehelka dadka la dhibaateeyay oo 13 sanno kaddib ku nool cabsi & welwel.
Wasiirka Caddaaladda Guinea Charles Alphonse Wright ayaa sheegay in dib loo furayo kiis dacweedka Xasuuqa ah ee ka dhacay Dalkaas 28-kii September 2009 kii, waxa uu sheegay in uu booqan doonno goobta taariikhiga ah ee xusuusta murugada leh reebtay.
Dad badan oo looga shakisan yahay ayaa qaarkood u baxsaday waddamada deriska ah si aanay loola xisaabtamin inkasta oo qayb kamid ah tuhunsanayaasha ay ku nool waddanka mana jirto cid u daba-kacday kiiskaan.
Fatima Bara oo kamid ah dadka ehelkooda dhibaatada loo geystay ayaa sheegay in ay u baahan tahay maalin uun in ay caddaalad hesho iyada oo goobjoog ahna looga cad-gooyo dadkii dilay ehelkooda.
Leave a Reply