Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli oo loo gurmaday kaddib Soomali badan oo xoog ku galay

Tripoli (Raxanreeb) Ciidamada Waaxda Ilaalada Safaaradaha ee dalka Libya ayaa u gurmaday safaaradda Soomaaliya ee Tripoli kadib markii muwaadiniin Soomaali ah ay ku xoommeen islamarkaana diideen inay ka tagaan.

Waaxda ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Libya ay soo saartay amarka u fasaxaya in ciidamada ay galaan safaaradda.Lama shaacin tirada dadka Soomaalida ah ee xoogga ku galay safaaradda.Maamulka Waaxda Ilaalada Safaaradaha ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliya oo ku taalla aagga Al-Sarraj laga soo daadgureeyey dhammaan shaqaalaha, islamarkaana uu howlgalkan qaatay 15 daqiiqo.

Bayaan kasoo baxay Waaxda ayaa lagu sheegay in dadkii safaaradda galay, oo ahaa muhaajiriin Soomaali ah oo si sharci-darro ah kusoo galay Libya, lasoo xiray dhammaantood, islamarkaana maxkamad lasoo taagi doono.

Dhacdadan ayaan laga bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.

Sidoo kale safaaradda Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dibedda ayaan ka hadlin.Dalka Libya waxaa ku sugan kumanaan Soomaali ah oo dalkaas u tagay inay uga sii gudbaan Yurub, ayaga oo tahriib dhimasho badan ku maraya badda Meditareeniyaanka.Boqolaal ka mid ah Soomaalidaas ayaa ku jiro xabsiyo, halka sidoo kalena qaar ay u xiran yihiin magafayaasha dalkaas, oo sida ay ula dhaqmaan lagu macneeyey addoonsi oo kale

Leave a Reply

Your email address will not be published.