Haddii Puntland dagaal uu ka dhaco yaa faa’idaya ?

Haddii Puntland dagaal uu ka dhaco yaa faa’idaya ?

Garoowe (Raxanreeb ) Uma jeedno dad fiiro dheer leh oo qiimayn kara meesha loo socdo iyo waxa laga yeelayo hadii xukunka laysku qabsado ama kan kursiga fadhiyaa damco inuu xoog cid ku muquuniyo.

Puntland maanta waxaa ka jira Nugayl amni,mid dhaqaale iyo mid Siyaasaded.
Sidaa darteed hadii xabadu qoriga afkiisa ka baxdo waxaan been ahayn inaanay si fudud u joogsanayn.

Dhaqaalaha waxaa gundhig u ah lacagta mana jirto wax lacag adag ah oo reer Puntland maanta gacanta ugu jirta marka laga reebo lacagta danabaysan ee Sahalka loo yaqaan,taasina waxay shaqaysaa waa wakhti kooban.

Amniga maanta waxaa inagu furan Sadex jiho oo midba tan kale ka darantahay,Somaliland oo rabta inay taariikh cusub dhigto,Al Shabab oo koonfur kasoo firxanaya iyo Dacish oo Bosaso ku Hareeraysan.

Siyaasadda waxan ku Jiraa qol Afar mitira oo albaabku u xiran yahay mahaysano garab siyaasadeed oo gudaha Dalka ah Dibadana hadalkeeda,
Safarkii u dambayay ee MD Dani wuxuu ku maqnaa mudo labo bilood ah Ciduu lasoo kulmana majirin habayaratee.

Waxan mudo Sanad kabad ka maqanahay Shirka Amniga Qaranka sabab la’aan iyo saluug shakhsiya darteed,waana tan keentay inaan maanta Haysan wax xuluufa ah oo dhinaca Maamullada Dalka kajira ah Jubalandna Allah haka dhigee.

WQ : Ahmed Mohamed Saciid.

Leave a Reply

Your email address will not be published.