Halkee ayuu ku xiran yahay madaxweynaha dalka Venezuela ?

Halkee ayuu ku xiran yahay madaxweynaha dalka Venezuela ?

Washington ( Raxanreeb Online) In ka badan 24 saac ayaa kasoo wareegtay weerarkii lagu soo qabtay madaxweynaha dalka Venezuela, kaasi oo ay fulisay dowladda Mareykanka.

Dhowr warbaahin oo Mareykan ah ayaa ku warramaya in madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro la geeyay xarun lagu xiro dadka oo lagu magacaabo Brooklyn’s Metropolitan Detention Center (MDC).

Waxaa la fahamsan yahay in lagu hayn doono xarunta ka hor inta aan lagu soo oogin eedeymaha daroogada iyo hubka ee maxkamada federaalka Manhattan todobaadka soo socda.

Ma cadda xogta ku aadan xiritaanka xaaska Maduro. MDC waa xabsiga kaliya ee federaaliga ah ee ku yaal magaalada New York waxayna caan ku tahay maaraynta kiisas badan oo caan ah, oo ay ku jiraan heesaagii R Kelly, saaxiibka Jeffrey Epstein Ghislaine Maxwell, iyo kiiskii ugu dambeeyay Sean “Diddy” Combs.

Xabsiga ayaa sidoo kale caan ku ah xaalad adag, gacan ka hadal iyo eedeymo la xiriira kormeerid aan ku filneyn oo ay ka mid tahay kiiska eedaysane marar badan mindi lagu dhuftay balse sida la sheegay aan helin wax daryeel caafimaad ah, taas bedelkeedana waxaa la sheegay in xabsiga lagu xiray 25 maalmood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.