Haweeney barakacayaal ah oo kufsi loogu geystay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Hooyo Aamina, oo dhashay 9 carruur ah ayaa xalay fiidkii kufsi u geystay askeri ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Garas Baalley ee duleedka Muqdisho kaam lagu magacaabo Barkhadle.

Hooyo Aamina ayaa sheegtay in bannaanka ay u aaday wiil ay dashay kaasoo ka maqnaa dabadeedna uu askerigan meesha kaga soo baxay asagoona qori ku qabtay dhulka ku jiiday wuxuuna geystay meel ka fog gurigeeda asagoona halkaasi ku kufsaday illaa iyo 9 jeer sida ay sheegtay.

“Labo wiil aan dhalay iyo aniga ayaan ahayn qori ayuu igu qabtay labada wiil waa iga carareen wuxuu i geeyay duurka kalkaal Baydhabo yareey wuu i barbaaray dahabaa kaa raadinaa ayuu igu dhahay dahabna ma wadan.”

“Buush ayuu igu xiray wuu i kufsaday wuuna i jir dilay ceeji ayuu igu qabtay.”

Cabaas Cabdi Aadan oo ah, seyga qaba Aamina, oo ku shaqeysta Gaari Gacan ayaa sheegay in taleefoonka xaaskiisa uu wacay dhowr jeer laga qaban waaye markii danbena la damiyay taleefoonka.

“Naagtaada waxay ku xiran tahay $10 haddii ay xaaskaada tahay hadda waa nooshahay balse waan dilayaa”

“Kun shilin ma haysto ilmahayga waxa ay maanta ku hergaleen (ASW) ayaa og isoo fasax xaaskayga.”

Askeriga ayaa ku iri “Xaaskaada kuuma soo fasaxaayo tan waan ku deysay.”

Cabbaas ayaa yiri “$10 dollar ayaan soo deensaday waan u diray balse wuxuu igu yiri waxaan lacag mahan waa yartahay $10 kale ayaan soo deensaday waan ugu diray isla habeenkaasi maanta ma shaqeysan lacagtaasina waa la igu leeyahay $20.”

“Taleefoonka wuu damiyay waxaan is iri $20 waa lagaa qaatay waana la kufsaday waana la jirdilay haddana wuu dilay, carruurtii jilbahayga ayay ku oonayaan.”

“Aamina ayaa iga soo wacday lambar kale waxay igu tiri aniga waan noolahay mana nooli waxaan joogaa meel Baydhabo yareey la dhaho waana dabaqsanahay ii imoow.”

“Walaalo deriska ayaa is raacnay waxaan tagnay gurigii waxaan aragnay Aamina oo xaraarug ah oo tacbaan ah, waan soo xanbaaray xaaskayga.”

Caddaalad bay rabaan qoyskani dhibanaha ah, fadlan baaritaano hala sammeeyo si ay Caddaalad u helaan.

Xuquuqda Waa Ay Dhowrsan Tahay

Leave a Reply

Your email address will not be published.