Nabaddoon lagu dilay degmada Cadale

Cadale ( Raxanreeb ) Nabadoon Muqtaar Axmad Maxamad Xasan ayaa Maanta lagu Dilay Degmada Cadalle ee shabeellada dhexe kaddib markii uu qaadayay Isbaaro ay dhigteen Xubno ka tirsan Ciidanka Milatariga iyo kuwa Maleeshiyaad ah sida la wariyay.

Nabadoonka la Dilay ayaa kamid ah Waxgaradkii ku baxay Colaaddii ka taagnayd Deegaanno hoos-yimaada Degmada Caddale ee Shabeellada Dhexe.

Dilkaan ayaa yimid kagadaal Maalmaha soo socda lagu waday in Caddale uu gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.