Ololaha doorasho ee Madaxwayne Deni &  Khilaafka jira

Ololaha doorasho ee Madaxwayne Deni &  Khilaafka jira

Garoowe (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  loogu soo dhoweeyay deegaanka Awrculus ee ka tirsan Degmada Garoowe  ee gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in dadka deegaanku isu diyaariyaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25-May 2023, wuxuu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay wax muddo lasoo sugayay.

Sidoo kale wuxuu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay waxa ugu weyn ee Dowladda laga sugayey, Sidaasi darteed loo baahanyahay in Bulshadu fursadan ka faa’ideystaan.

Waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee deegaanka Awrculus, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha booqashada taariikhiga ah, horumarka Dowladdu wado.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay sheegay in ay Puntland 24 maalmood gudahood burbur qarka u saaran tahay, sabab la xariirta doorashooyinkan dadweynuhu codkooda dhiibanayaan, oo uu sheegay in aysan Saamileyda siyaasaddu door ku laheyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.