Odayaal dhaqameedyo ku baaba’ay Hotel Xayaat

Odayaal dhaqameedyo ku baaba’ay Hotel Xayaat

Muqdisho (Raxanreeb) Weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo hubka fud fududoo ay ku qaadeen Al-Shabaab, xalay fiidkii Hotel ku yaalla Muqdisho laguna magacaabo Xayaat Hotel.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimow, oo qoraal kusoo qoray boggiisa Facebook ayaa soo bandhigay khasaaro weerarkaas kasoo gaaray beelaha Soomaaliyeed qaarkood.

Macallimow, ayaa sheegay in tolkiisa uu khasaare xoog leh kasoo gaaray weerarkaas, wuxuuna soo bandhigay illaa 11 qof oo sagaal kamid ah ay kasoo jeedaan hal beel.

Qoraalka Macallimow Hoos Ka Akhriso.

Tolka khasaare ba’an ayaa ka soo gaaray weerarka hotel Xayaat.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ah Eebbe ha bogsiiyo, runtii waa dhacdo xannuun badan oo ay naftooda ku waayeen dad shacab ah, oo aan waxba galabsan.

Gugundhabe 11

Baadicadde 9

Jidle               2

1.Xaji Bashir X.Suleymaan Muxumed

2.C/rashiid Cabdi Axmed

3.Shahiid Axmed Cumar

4.Axmed C/aahi Ibrahim

5.C/aahi Abiib Maxumed

Wa kuwaa Magacyada Oo Dhameystiran

6 Maryan Shiikh Cali

7 Abdirashid Nuunow

8 Yusuf Mahad Barrow

9 Ahmed Cali Xaaji

10 Nasra Ahmed Cali (Nasra Shiine)

11 Seynab Abdi Maqaar

Waxa intaa dheer inta kaloo dhaawac ah oo cisbitaallada la dhigay oo Eebe uga baryeyno inuu bogsiiyo.

Waxa aan u mahad celinayaa Ciidamada Ammaanka oo tiro kale oo ay ku jiraan dad wax gal u ah beesha soo badbaadiyay.

Dadkaas waxa dilay gacan ka xaq daran , wakhtigooda ayaa inta ku ekaa , Ilaah waxa aan uga rajeyneynaa Jannatul Firdowsa

Waxa aan sidoo kale tacsi u dirayaa dhammaan inta ku dhimatay weerarkaas oo ay ku jiraan rag aan saaxiibo aheyn oo isla soo kornay.

Innaa Lilaah Waa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Leave a Reply

Your email address will not be published.