IGAD oo maanta fadhi ka yeelaneysa Xaaladda cakiran ee Suudaan.

IGAD oo maanta fadhi ka yeelaneysa Xaaladda cakiran ee Suudaan.

Jabuuti (Raxanreeb) — Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedka meertada 14aad ee waddamada ku midoobay Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee ka taagan Dalka Suudaan.

Madaxda ka qaybgaleysa Shirkaan ayaa si qota-dheer u lafa-gureysa xaaladda ka jirta Jamhuuriyadda Suudaan, sida loo wajihi karo xalka dhabta ah, dardargelinta geedi-socodka nabadda iyo qaban-qaabinta wadahadal toos ah oo labada dhinac la isugu keenno.

Urur Goboleedka IGAD ayaa si faah-faahsan uga doodaya saameynta taban ee laga dhaxlay dagaalka ka socda Jamhuuriyadda Suudaan, waddamada xuduudda la leh dalkaas ayaa soo bandhigaya waxyaabaha ay diiwaangeliyeen.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalaya shirkaan, Soomaaliya ayaa dhowr jeer nabad iyo wadahadal ugu baaqday dhinacyada hubeysan ee ku dagaalamaya Jamhuuriyadda Suudaan.