Muqdisho (Raxanreeb) — Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaythi.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo quseeya xaaladda guud ee Soomaaliya oo haatan wajaheyso xaalado adag oo isbiirsaday.
Qoraal kasoo baxayn UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, si gurmad loogu fidiyo dadka ay saameeyeen abaaraha.
Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo kordhin lahaa taageerada dhaqaale ee la siiyo dowladda federaalka, si ay wax loogu qabto dhinac muhiimka ah.
“Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa taageero dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo oo loo fidiyo Soomaaliya, ka hor warbixinteeda soo socota ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaasoo Imaaraadku uu hayo xilka madaxtinimada bisha Juun” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxaya xafiiska Qaramada Midoobay.
Catriona Laing oo ah ergeyga cusub ee QM ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday magaalada Muqdisho, ayada oo sidoo kale gaartay Jowhar iyo Garoowe oo ay kula soo kulantay madaxda dowlad goboleedka HirShabelle iyo Puntland.