Ilhaan Cumar  miyaa laga soo masaafurinayaa MAREYKANKA ?

Ilhaan Cumar  miyaa laga soo masaafurinayaa MAREYKANKA ?

Washington (Raxanreeb )- Ololahiisa doorashada  madaxwaynaha dib loo doortay ee Mareynkanka ayaa ahaa masaafurinta muhaajiriinta sida sharci darada ah ugu nool magaalooyinka dalka Mareykanka

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareykanka  iyo madaxwaynaha Mareynkanka  Trump ayaa la xusuustaa  sida ay isku hayeen  inta uu joogay xukunka dalkaas oo aan looga adkaan doorashadii uu ku soo baxay Biden.

HADABA waxaa aad u qabsaday warbaahinta dalka Mareykanka  war uu sheegay  xildhibaan ka tirsan Kongeraaska dalkaas oo salka ku haya in la masaafuriyo Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo qaxooti ahaan ku gasahy Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa markii ugu horreysay ka falcelisay baaqa ka yimid xildhibaan ka tirsan Congress Mareykanka oo dalbanayay in iyada laga masaafuriyo Mareynkanka, oo dib loogu celiyo Soomaaliya.

Hadalka Brandon Gill oo kasoo jeeda gobolka Texas islamarkaasna xubin ka ah xubnaha Kongareeska ee Jamhuuriga ayaa yimid xilli uu Trump ku howlan yahay dhaqangelinta barnaamijkiisa masaafurinta ee xooggan.

Socdaalka iyo masaafurino badan ayaa aad ugu muhiimsanaa waxyaabaha ku jiray ololihii doorashada ee xisbiga Jamhuuriga ee kal hore, 2024.

Laakiin jawabta iyo sida ay Ilhaan Cumar uga falcelisay hadalka Kongareeska ninka kujira ee Gill ayaa dhaliyay dood kale, taas ka careysiiyay xubnaha aqalka Kongareeska Mareykanka iyo taageereyaasha madaxweyne Donald Trump.

Leave a Reply

Your email address will not be published.