Minnesota (Raxanreeb Online) Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu weeraray shir ka dhacay hoolka shirarka ee Minneapolis.
Nin ka mid ah dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa mar qura kusoo booday isagoo ku buufiyay walax dareere ah oo aan la garanayn oo uu ku watay irbad, isagoo la rabay inuu indhaha kaga buufiyo balse la gafay, Sunta uu ku buufiyay ayaa la sheegay inay laheyd ur xun ama xoog leh, inkastoo aan weli la xaqiijin waxa ay tahay.
Qofkii weerarka geystay waxaa si degdeg ah ula tacaalay oo u xakameeyay amniga iyo dadkii ka soo qayb galay, ka dibna waxaa la wareegay oo xiray booliiska Minneapolis, waxaana lagu soo oogay dacwad ah isku day dil.
Sidoo kale ilhaan Cumar, ayaa la sheegay in waxba aysana gaarin waxaya sii wadatay shirkeeda, iyadoo diiday inay joojiso shirka inkastoo qaar ka mid ah kaaliyayaasha ay ku booriyeen inay aaddo dhaqtar oo ay isa soo hubiso.

Leave a Reply