Imran Khan oo sheegay in gurigiisa la bililiqaystay

Imran Khan oo sheegay in gurigiisa la bililiqaystay

Islamabad (Raxanreeb) — Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan, Imran Khan, ayaa sheegay in gurigiisa la bililiqeystay.

Imran, ayaa intaa ku daray in waraaq baaritaan loo isticmaalay gelitaanka gurigiisa, iyadoo sida uu sheegay xadgudubyo kale laga sameeyey gurigiisa.

Xiligii uu falku dhacayey, ayaa guriga Imran Khan, waxaa ku sugneyd xaaskiisa.

Imran Khan, ayaa lagu soo oogay dacwad, isagoo laga dalbaday inuu kasoo hor muuqdo maxkamad.

Tani ayaa keentay inuu ka biyo diido Imran Khan, inkastoo uu markii danbe aqbalay inuu tago maxkamadda.

Taageerayaasha ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, iyo booliiska ayaa isku dhacay shalay.

Wareegto kasooo baxday Maxkamadda La dagaalanka argagaxisada, ayaa lagu fasaxay baarista guriga Imran Khan, iyadoo ciidamo booliis ah ay gurigiisa galeen.

Imran Khan, ayaa isa su’aalay sharciga fasaxaya in albaabka gurigiisa la jabiyo. Wuxuu dhaleeceeyay Khan Taliyaha Booliiska Punjab.

BBC