In kabadan 40 qof ayaa kudhimatay dhisme kaniisad oo soo dumay

In kabadan 40 qof ayaa kudhimatay dhisme kaniisad oo soo dumay

Mexico (Raxanreeb)  Kaniisad kutaalla dalka Mexcio ayaa soo duntay ,xilli gudaha kaniisada ay ka socotay xaflad ayna ku sugnaayeen dad ka badan 100-qof, waxaana dhismaha kaniisada ee dumay ka dhashay khasaaro badan.

Sidoo kale, dhimashada la xaqiijiyay ayaa ah sagaal qof oo  dhismaha kaniisada ee soo dumay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo ka badan 40-qof, dadka dhaawacyada qaba qaarkood ayaa la sheegay in dhaawacyo halis ah qabaan.

Dhanka kale, Warbaahinta dalka Mexcio ayaa ku warantay in dadka dhintay ay ku jiraan labo carruur ah, waxaa sidoo kale dadka ku dhaawacmay kaniisada duntay ku jira carruur kale, dad kale ayaa wali lasoo sheegayaa in bur burka dhismaha ku hoos jiraan.

Kaniisadda duntay oo lagu magacaabo Cruz ayaa ku taala magaalada xeebeedka Ciudad Madero ee gobolka Tamaulipas ee dalka Mexcio, waxaana goobtaasi wali ka socda howlo samatobixin ah ay wadaan kooxaha gurmadka deg dega ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.