Muqdisho (Raxanreeb )- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay talabaadii lagu baajiyay kulan xildhibaanadu ay su’aalo ku waydiin lahaayeen Wasiirka duulista hawada Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan lahayn sabab cad oo la sheegi karo oo lagu baajiyay in wasiir Fardowso su’aallo laga waydiiyo dhibka dadku ay ku qabaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
“In Golaha Shacabka uu kulan si rasmi ah ugu yeero wasiir Xukuumadda ka tirsan si su’aalo, looga waydiiyo dhibkii shacabka ay maalmo ka hor kala kulmeen garoonka diyaaradaha iyo lacagihii dulsaarka ahaa ee lagu soo rogay, haddana la baajiyo sabab la’aan waxay dhaawac ku tahay sumcadda guddoonka iyo Golaha” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Intaas waxa uu raaciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in la jabiyay qodobo ka mid ah Dastuurka oo ay ku kaceen madaxda ugu saraysa dalka taasna ay tahay dhaawac kale oo la gaarsiiyay shacabka.
Si kastaba Waxaa la baajiyay kulan lagu waday in beri xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kula xisaabtami lahaayeen wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Xil Fardowsa Maxamed Cigaal.
Leave a Reply