Iran oo shaacisay dadkii loogu dilay weeraradii dalkeeda lala beegsaday

Tehran ( Raxanreeb Online) Iiraan oo shaacisay tirada dadka looga dilay weerararadii ugu dambeeyay ee Iiraan. Madaxa xiriirka dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka iyo culuumta Caafimaadka ayaa ku dhawaaqay in “14 qof ay ku dhinteen weeraradii ugu dambeeyay oo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu Mareykanka ku qaaday dalkiisa.

Hossein Kermanpour oo farriin qoraal ah ku daabacay barta X, ayaa sheegay in Maraykanku uu 7-dii iyo 8-dii Luulyo beegsaday shan gobol, weerarradaas oo illaa hadda sababay dhimashada 14 qof iyo dhaawaca 78 kale.

Sida uu sheegay, “47 ka mid ah dadka dhaawacmay” ayaa la dhigay isbitaalka si loo dabiibo.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa xaqiijiyay in ay xalay fuliyeen weerarro ay ku sheegeen aargoosi, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Kuwait iyo Baxrayn.

Ciidanka ayaa sheegay inay weeraro ku qaadeen kaabeyaal muhiim ah iyo xarumo ku yaalla saldhigyadaas Mareykanku leeyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.