Ankara (Raxanreeb Online) Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT) ayaa ka hadashay dadaallada ay ku bixinayso fududeynta wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyadoo sheegtay in ujeeddadeedu tahay in la abuuro jawi lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.
Sida ay baahiyeen warbaahinno kala duwan, masuuliyiin ka tirsan sirdoonka Turkiga, ayaa sheegay in wada-hadallada looga golleeyahay in dhinacyadu ku gaaraan is-afgarad ku saabsan arrimaha dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Dadaalladan ayaa yimid kadib kulamo hordhac ah oo Ankara ay la yeelatay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Turkigu uu isku dayayo inuu dhex-dhexaad ka noqdo dowladda iyo mucaaradka, inkasta oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ay muujiyeen walaac ku saabsan dhexdhexaadnimada geeddi-socodka.
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Sirdoonka Turkiga ma aysan soo saarin war rasmi ah oo faahfaahinaya natiijada wada-hadallada socda.

Leave a Reply