Madaxweynihii hore ee Puntland oo Turkiga uga digay inuu faragelin ku sameeyo arrimaha Soomaaliya

Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa si adag uga hadlay doorka Turkiga ee Soomaaliya, isagoo uga digay Ankara inay ka fogaato wax kasta oo loo fasiran karo faragelin lagu sameynayo arrimaha gudaha ee dalka.

Siyaasigan ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan, isla markaana go’aannada siyaasadeed iyo khilaafaadka gudaha ay tahay in lagu xalliyo wada-hadal dhex mara Soomaalida, iyada oo aanay dowlado shisheeye saameyn ku yeelan.

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan doodo la xiriira doorka dalalka shisheeye ee taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo iskaashiga siyaasadeed.

Dowladda Turkiga ayaa horay u beenisay eedeymo ku saabsan inay faragelin ku hayso arrimaha siyaasadda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in iskaashigeedu uu ku kooban yahay amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo taageerada xasilloonida dalka.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ay kaga jawaabayso hadallada madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Leave a Reply

Your email address will not be published.