Isbahaysiyo ka abuurmaya Puntland si loo dhabarjabiyo DENI

Isbahaysiyo ka abuurmaya Puntland si loo dhabarjabiyo DENI

Garoowe (Raxanreeb ) Iyadoo deegaano ka  mid ah maamulka Puntland ay ka jiraan guuxa ka dhashay doorashooyinka Golaha deegaanka ayaa hadda waxaa soo baxaya in ay abuurmayaan isbahaysiyo cusub.

Durbadiiba waxaa soo baxaya – warar ku saabsan in isbahaysiyadan abuurmaya , lagu doonayo in lagaga hortago madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Deni oo shaki badan uu ku gadaaman  yihiin sabab la xiriirta ku shubasho doorashada.

Warar kala duwan oo Raxanreeb uu ka helayo deegaano ka mid ah Puntland ayaa sheegaya in ay socdaan kulamo hoosaadyo dhaxmaraya mas’uuliyiin ka tirsan labada urur siyaasadeed ee Mideeye ee uu hogaamiyo Jen. Asad Cusmaan Diyano iyo SINCAD oo Gudoomiye uu ka yahay Eng Max’uud Khaliif Jabiye.

Wararka ayaa sheegaya in SINCAD iyo Mideeye ayaa ka arrinsanaya sidii ay u wada dhisan lahaayeen maamullada degmooyinka laga qabtay doorashada qof iyo cod ah.

Labadan Urur siyaasadeed ee Isbahaysanaya ayaa la saadalinayaa in ay ku  heshiinayaan in ay ka hor yimadaan si isku mid ah  furista Dastuurka Puntland oo haatan uu olole xoogan ugu jiro madaxweynaha Puntland.

Tani ayaa la saadalinayaa in  dhabar-jab ay ku noqon doonta qorshaha madaxweyne Deni uu ku raadinayo furista Dastuurka si ay Puntland u yeelato shan xisbi siyaasadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.